Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»War-saxaafadeedka: Madaxda DG oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, kuna baaqay shir u gaar ah
    Somalia

    War-saxaafadeedka: Madaxda DG oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, kuna baaqay shir u gaar ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 17, 2021Updated:September 17, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleedyada ayaa war saxaafadeed wadajir ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka, kaddib wada hadalo ay ku yeesheen khadka taleefanka.

    Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa si aan la fileyn uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo ku baaqay in wixii khilaaf ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana ixtiraamo heshiisyadii doorasho ee horay u gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

    Sidoo kale waxay iclaamiyeen shir ay isugu imaanayaan Dowlad Goboleedyada 21-23 September magaalada Garowe, iyadoo muuqata in dowlad Goboleedyada ay hoos u dhigeen meeqaamkii Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Qaran.

    Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada.

    WAR SAXAAFADEEDKA WADAJIRKA AH EE DOWLADAHA XUBNAHA KA AH JFS.

    Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle; Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

    Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:

    1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.

    3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.

    4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.

    5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.

    6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.

    7. Ugu dambeyn Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.
    DHAMMAAAD.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    August 22, 2025

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.