Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya oo ku qaabilay xaafiiskiisa safiiro dhawr ah
    Somalia

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya oo ku qaabilay xaafiiskiisa safiiro dhawr ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 18, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta si kala gooni gooni xafiiskiisa ugu qaabilay Danjiraha Turkiga u fadhiya Somaaliya iyo Danjiraha Sweden.

    Wasiir Yuusuf Garaad ayaa ugu horeyn la kulmay Safiirka Turkiga Olgan Bekar, isagoo ugu mahadceliyay taageerada uu Turkigu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkiga ay Umadda Somaliyed abaal u heyso.

     

     

    “Danjiraha waxaan ugu hambalyeeyay natiijada Aftida Axaddii laga qaaday dadweynaha Turkiga, waxaanan u sheegay in ay Soomaaliya rajeyneyso in ay taasi sii xoojiso iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

    Mr Yuusuf Garaad ayaa tilmaamay in Danjiraha Turkiga u sheegay mashruuc biyaha iyo waraabka oo laga hirgeliyay Jowhar, isla markaana damacsan yihiin in deegaano kale gaarsiiyaan Turkidu.

     

     

    Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mikael Lindvall oo ah Safiirka Sweden u jooga Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen dhinacyada iskaahsiga labada dal u dhaxeeya.

    Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xoojineyso adeega hab maamuuska qaranka, maadaama agaasinkaas uu yahay iridda saxda ah ee xiriirka caalamiga ah ee ay Dowladaha iyo Hey’adaha Ajnabiga ahi ay tahay in ay u soo maraan xiriirka, casuumadaha, kulammada iyo wadashaqeynta iyaga iyo hey’adaha Dowladda Soomaaliyeed.

    Ugu dambeyn waxaa Danjire Yuusuf Garaad kulankan ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.