Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xarun Hooyada iyo dhalaanka ah oo laga hirgaliyay deegaanka Cambare (VIDEO)
    Somalia

    Xarun Hooyada iyo dhalaanka ah oo laga hirgaliyay deegaanka Cambare (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 16, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka wasaaradda caafimaaka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa jimcihii shalay xariga ka jaray xarun caafimaad oo hooyada iyo dhalaanka ah (MCH) oo laga hirgaliyay deegaanka Cambara ee gobolka Nugaal, xaruntaan oo ka kooban saddex qol ayaa bulshada deegaanka si isku tashi ah u dhisteen wasaaradduna ka caawisay qalabka iyo dawooyinka.

    Wasiirka waxaa safarka ku weheliyay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda waxaana bulshadu deegaanka ugu sameeyeen soo dhawayn ugana mahadceliyeen hirgalinta iyo in deegaanku xaruntaan caafimaad yeeshaan.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo gabagabadii hadlaya ayaa yiri:-

    “Waxaan ku faraxsanahay in deegaankaan markii ugu horaysay aan ka daahfurayno xarun caafimaad waxaana ku amaanayaa dadka deegaanka hirgalinta xaruntaan sida isku tashi ah ay u dhisteen taasoo sida odayaashu sheegeen mudo 4 bilood ah lagu dhisay, arintaasi waxay muujinaysaa dadku haday iskutagaan inay wax weyn qabsan karaan, xaruntaan iyo kuwa lamid ah waxay qayb ka tahay dadaalka wasaaradda iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya ku samaynayaan xarumo caafimaad oo adeeg siinaya bulshada.”

    “Waxaan wasaaradda caafimaadku balan qaadaysaa inay dhamaystiri doonto xaruntaana noqon doono mid bulshada deegaanku ka helaan dhamaan adeegyada looga baahanyahay, bulshada deegaankana waxaan kula dardaarmayaa inay ilaashadaan xaruntaan una soo doontaan adeega caafimaad, ugu danbeyn waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in xaruntaan kamid noqotay xarumaha caafimaadka ee Wasaaaradda caafimaadka, dhalinyarada dhismaha ka soo shaqaysay hirgalinteeda waxaan ka codsanayaa inaysan ka harin oo ay sii wadaan gacan ku haynteeda.”

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.