Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaan Faarax Sulub oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda (VIDEO)
    Somalia

    Xildhibaan Faarax Sulub oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismail Mohamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

    Ajanadaha kulanka oo ahaa Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Golaha Wakiillada DPL iyo qeybinta Wax-ka-bedelka Xeerka Maandooriyaha Puntland.

    Fadhiga oo ay soo xaadireen 53 Xildhibaan ayaa la gudo-galay buuxinta Booska Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Golaha Wakiillada DPL ee ka bannaanadey Guddiga joogtada gaar ahaan xubnihii matalayey Gobolada Cayn sida uu qabo Qodobka 12-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada DPL kadib, markii Golaha laga hor-akhriyey warqad Is-casilaada oo uu soo gudbiyey Guddoomiyihii Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Mudane, Cabdiraxmaan Diiriye Carab November 01, 2021, taas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka aqbalay,

    Buuxinta xubinta Bannaantay ayaa loo maray habraaca Golaha Wakiillada, Gobolka Cayn-na ay isku raaci waayeena maantana si rasmi ay ugu tartameen, cod qarsoodi ah;

    1. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Sahal ( Macoow)
    2. Xil. Faarax Sulub Jaamac

    Wareegii koowaad ayaa waxaa codeynta u dhacday

    1. Xil. Faarax Sulub Jaamac 26 cod
    2. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Sahal ( Macoow) 26 cod

    Hal cod oo ka mid ah 53 Xildhibaan ayaa xumaaday, waxaana loo gudbay wareega labaad waxayna u dhacday.

    1. Xil. Faarax Sulub Jaamac 29 cod
    2. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Sahal ( Macoow) 24 cod

    Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac ayaa ku guuleystay wareegii labaad, waxa uuna si rasmi ah uga mid noqday Guddiga joogtada Golaha Wakiillada DPL, sida uu qabo Qodobka 13-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Guddiga joogtada ah ayaa u xil-saaran socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi ( Fasax), La socoshada dhacdooyinka iyo Ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, waxayna ka kooban yihiin 10 guddi.

    Dhinaca kalena, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyey wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha LR. 5 ee 18. December, 2010 kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta DPL, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL iyagga oo dib Golaha ugu soo celin doona maalinta Arbacada ah November 10, 2021.

    Wax-ka-bedelka Xeerkaan ayaa ahaa Qodobka 12-aad ee Ajandaha rasmiga ah Kalfadhiga 49-aad

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.