Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»”Xog muhiim ah oo ku saabsan ciidan Al-shabaab ah oo lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka sanaag”
    Somalia

    ”Xog muhiim ah oo ku saabsan ciidan Al-shabaab ah oo lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka sanaag”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ay ii xaqiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan deegaano aan sidaas uga fogeyn hadaaftimo waxaa caawa halkaas lagu arkay ciidan ka tirsan alshabaab oo la sheegay inay kasoo laabteen dhanka buuraha galgala oo dhawaan ay kula dagaalameen ciidanka daraawiishta ee dowlada puntland.

    Ciidankaan oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 100 nin ayaa caawa markay saacadu ahayd 10:00 kii fiidnimo iyagoo lugaynaya waxaa arkay dad aagaas ku sugan.

    Ciidankaas oo umuuqday kuwo aan deegaanka kala aqoon ayaa dadka weydiiyey dhinaca ay ka jirto cerigaabo waxayna ku hubaysnaayeen qoryo ubadan qoriga loo yaqaan BKM Baasuukayaal iyo qoriga AK 47 ka loo yaqaan.

    Xogtu waxay kaloo sheegtay in aaga lagu arkay ciidankan alshabaabka ka tirsan lagu magacaabo toga dhoqor.

    Xogtu waxay kaloo sheegaysaa in ciidankaan uu jiray ciidan kasii horeeyey oo lagu qiyaasay ilaa 200 oo habeenimadii xalay baabuuro waaraad ah ay ka qaadeen isla deegaankaas kuwaasoo la sheegay in loo qaaday dhanka deegaanka beer ee gobolka togdheer.

    Xogtu waxay kaloo sheegtay in ciidamadaan la arkay ay qayb ka ahayeen tiro alshabaab ah oo ilaa 300 ahaa oo dagaalkii Af urur maalmo ka hor gawaari lagaga keenay dhanka beer oo la sheegay inay saldhig ku leeyihiin alshabaab.

    Xogtu waxay kaloo sheegtay in sababta ciidankaan alshabaab ka tirsan uu uga soo baxay buuraleyda galgala ay tahay kadib markii ay wax taageero ah ka waayeen dadka degan gobolada sanaag iyo haylaan iyo arinta kale oo ah layntii ay shabaal Af urur ku laayeen dadka shacabka ah.

    Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili lahadal hayo qabsoomida shir la filayo in gobolka sanaag lagu qaban doono kaasoo ah mid wada tashi.

    Alshabaab ayaa sanooyin dhowr ah saldhig ay ku dhuuntaan ku lahaa buuraleyda galgala halkaas oo ay weeraro kaga qaadi jireen ciidanka dowladda puntland ee aaga galgala difaaca kaga jira.

    Xigasho radio Daljir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.