Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Ra’iisul Wasaare Rooble oo Bashiir Goobe geynaya xarunta Hay’adda NISA
    Somalia

    XOG: Ra’iisul Wasaare Rooble oo Bashiir Goobe geynaya xarunta Hay’adda NISA

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheenayo in kormeer shaqo ku tago Xarunta Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee kuyaala guriga Habar Khadiijo.

    Rooble ayaa la sheegay ujeedka uu u tagayo xarunta Nabad Sugida in ay tahay sidii uu u geyn lahaa taliyaha cusub ee NISA Janaraal Bashiir Goobe uu labo maalin kahor xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay.

    Janaraal Bashiir Goobe ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay aysan usuurto gelin in uu tago xarunta NISA maadaama khilaaf ka jiro magacaabistiisa uuna diiday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Wareegto uu xalay soo saaray Farmaajo ayuu sidoo kale ku magacaabay taliye cusub oo yeelaneyso Hay’adda NISA taa oo xaalada uga sii dartay, waxa ayna hada ciidamada NISA leeyihiin labo taliye ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble.

    Waxaa jirta cabsi laga qabo in Ra’isul Wasaare Rooble iyo taliyaha uu magacaabay ee Janaraal Bashiir Goobe loo diido in ay tagaan xarunta NISA maadaama wali Hay’adadaasi awood ku leeyihiin Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

    Ciidamada NISA uu isbadal ku sameeyay Fahad Yaasiin ayaa u badan saraakiil isaga uu shaqada geeyay si toos ahna ugu xiran uguna amar qaata taa oo keeneysa in Bashiir Goobe si fudud uusan shaqada ugula wareegin.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.