Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xulufada kasoo horjeeda Qadar oo13 shuruudood oo ku xiray la heshiinta Qadar
    Somalia

    Xulufada kasoo horjeeda Qadar oo13 shuruudood oo ku xiray la heshiinta Qadar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 23, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajibtahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan.
     
    Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xirto oo albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera.
     
    Waxaa kale oo ay qadar waydiisteen in ay yarayso calaaqaadka ay Iiraan la leedahay, ayna xirto saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.
     
    Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo in ay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka.
     
    Qadar ayay labo toddobaad saaran tahay xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sano ah.
     
    Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AP, shuruudahan ayaa lagu xiray Qadar:
    Inay xiriirka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay
    Inay si deg deg ah u xirto xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xiriirka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
    Inay xirto telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xiriirka la leh.
    Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee xiriirka u jartay, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka ceyrsio. Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar aysan faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
    Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo hayssta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
    Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
    Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
     
    Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
     
    Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
     
    Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye
    Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha kahladan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
     
    Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan.
    Inay aqbasho baaritaanno iyo dabagal joogt ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo.
     
    Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.
     
    Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.