Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»20.000-kun oo Geed oo lagu Beeray Puntland
    Puntland

    20.000-kun oo Geed oo lagu Beeray Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 28, 2024Updated:April 28, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 28 April 2024 : Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa daah-furay todobaadka dhiraynta Puntland oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa Geedkii u horeeyey ku beeray xarunta Wasaaradda, isaga oo xusay muhiimada dhirtu u leedahay bilicda magaalooyinka iyo guud ahaan deegaankaba.

    Todobaadkan ayaa la qorsheeyey in deegaannada Puntland lagu beero in ka badan Labaatan Kun oo Geed (20,000) si looga hortago xaalufka deegaanka, sidoo kale waxay dowladdu joojisay dhirta qoyan ee loo jarayo si xaabo looga dhigto taas oo lagu ogaaday daraasad ay samaysay Wasaaradda Deegaanku.

    Munaasabadda waxaa Madaxweyen Ku-xigeenka kala qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Wasiirka Deegaanka, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiiru dowladalaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    October 14, 2026

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    October 13, 2026

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026
    Latest Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.