Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somaliya kusoo dhaweeyay RW xigeenka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 Maxamed C/laahi “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo  Rw xigeenka Dalka Turkiga Veysi Keynak, ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Ballaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.

Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.