Video:-Weerar argagixiso oo ka dhacay Dalka Sweden

Gaari xamuul ah ayaa la jiirsiiyay dukaan ku yaalla bartamaha Stockholm, waxaana halkaa ku dhintay seddax qof, sida uu sheegay booliska Sweden.

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dhacdadan oo ka dhacday waddo mashquul badan oo ku taaalla aaga Drottninggatan.

Ra’iisalwasaaraha Sweden, Stefan Lofven waxa uu sheegay inay suuragal tahay inuu yahay weerar ay ‘argagixiso’ ka dambeysay.

Waxa uu intaasi ku daray in hal qof la xiray. Ra’isalwasaaruhu Faahfaahin kale ma bixinin.

Shirkadda leh gaariga xamuulka ah ee dadka la jiirsiiyay ayaa sheegtay in gaarigaasi la afduubay saaka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka