Gudiyadii Joogtada ahaa ee baarlamaanka Fadaraalka oo la dhisay

Mudanayaasha Baarlamaanka Fadaraalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka.

 Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo saddex guddi iyo ku-xigeenadooda.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga, Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka halka Xildhibaan Malaaq Dhaayow loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, iyadoo sidoo kale la doortay saddex guddoomiye ku-xigeen oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in kulankii maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa lagu doortay Saddex Guddi, iyadoo doorashada ay ku tartamayeen Xildhibaanno dhowr ah, waxaana ay intaa ku dartay in mudanaayasha la doortay ay yihiin kuwa aqoon u leh Guddiyada ay Madaxda ka yihiin.

Doorashada maanta ayaa bilow u ah dhismaha Guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ee baarlamaanka, si ay ula shaqeeyaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee ay shaqo wadaagi yihiin, taasi oo ka dhalan karta isla xisaabtan dhab ah.