Codbixintii muhiimka u ahayd Erdogan oo si xoog leh loogu soo baxay

Codayntaan maanta dhacaysa ayaa waxay awood dheeraada siinayasaa Madaxwaynaha waa haddii lagu guulaysto..
 
Dadka wadanka u dhashay waxay ka codaynayaan 167.000 goobood oo guud haan dalka Turkiga ku kala yaal
.
Maanta oo axada codbixayaashu waxay wataan laba kalar.
 
Dadka Haa ku codaynaya waxay wataan Kalar ¨¨Cad”
Kuwa Maya ku codaynaya waxay wataan kalar ”brown”
 
Madaxweyne Erdagon wuxuu yiri”maanta waxaan dhammaystiraynaaa wixii dhacay 15/7”, hadalkaas ayuu ka jeediyay xaafad Istabuul ku taal ee Tuzla.
 
Madaxweyne Erdagon ayaa taageerayaashiisa ka codsaday in maallinta axadda aan codaynta loo kala harrin.
 
Halka goobaha layskugu soo baxay ay taageeraayaasha Madaxwayne Erdogan ay calanka dalka aad u ruxayaan.
 
Guud ahaan Maxaabiista dalka ee ku kala jirta xabsiyada ayaa codaynaya marka lagareebo kuwa kujira danbiya caalamiga ah, maxaabiistu waxay kacodaynayaan 463 goobood oo kuyaala xabsiyada state-yada Dalka.
 
Dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah,ayaa iyaguna codaynaya sida dasytuurka dalku qabo. Dadkaas qaar kamid ah waxa keenanay goobaha codbixinta gaadiidka gargaarka deg-deg ah,halkaqaar kalena ay keenayeen gaadiidka basaska yar-yar k ah ee laguqaado dadka waayeelka.
 
Dhanka kale Ku dhawaad 2.9 million oo qurba joog Turki ah ayaa codeeyey intii udhaxaysay March 27 ilaa April 9.
Dastuurka hadda ee dalkaan waxaa lasameeyey sanadkii
1983 kadib inqilaabkii military ee 1980.
 
Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada Mevlut CavusogluCavusoglu oo hadda ku sugan kana codaynaya Dugsiga Hoose ee Urfalioglu ee Degmada Alanya, Gobolka Antalya,ayaa yiri.. ”Maanta dadku waxay leeyihiin cod kama danbays ah iyo go’aan kamadanbays a”.
 
Wasiirka oo hadalkisii sii wata ayaa intaa kudaray ”In qaar kamid ah wadamada shisheeye ay isku dayeen inay saamayn kuyeeshaan doorashada,iyagoo dadka Turkida ah damcay in ay u tilmaamaan wax ay samaynayaan” taas oo macnaheeda uu ula jeedo inay diidaan.
 
Ugu danbayntii Wasiirka ayaa hadalkiisii kusoo afmeerayfariin uu udiray Wadamada shisheeye taasoo ahayd” Waxay qaateen go’aan, laakiin go’aanka waxaa iskaleh shacabka Turkiga”
 
 
Hashim Haji
Stanbul Turkey.