Video:-Maxkamada Ciidamada Dawlada fadaraalka oo xukun dil ah fulisay

Xukun dil ah ayaa saaka maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku fulisay nin lagu magacaabo Axmed Cabdi Maadeey oo 28 sano jir ah kana mid ahaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ninkaan ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ku dilay nin la oran jirey Maxamed Cali Cabdalla 05-01-2016 dii.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa sheegtay in ninkaan lagu helay dambiyadda lagu soo
oogay,islamarkaana uu si bareer ah u toogtay qof Shacab ah.

Inta badan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan ku rida Askarta dilka u geysta dadka Shacabka ah,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka