‘Maxay isku ogaayeen Farmaajo iyo Meles Zanawi?

Wakiilka Ethiopia uqaabilsan urur goboleedka IGAD Jen.Gabre,ayaa madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ixtiraam daro umuujiyay ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo booqashadii madaxweynuhu ku tagay magaalada Baydhabo dhowr beri kahor.

Jeneral Gabre wax faahfaahin ah kama bixinin ixtiraam darada uu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo.

Jeneraal Gabre ayaa madaxweyne Farmaajo weydiiyay su’aal udhignayd sidan:-

“Farmaajo miyuu iloobay kulankii uu la qaatay Raysulwasaaraahigii geeriyooday Meles Zenawi,kulanka ayaan isku aragnay markii uu Meles Zenawi ii yeeray,” ayuu yidhi General Gabre.

Ujeedada qoraalka Generaal Gabre ma cadda iyo sababta uu xusay kulanka uu sheegay inuu dhexmaray Meles Zenawi iyo Madaxweyne Farmaajo xiligii uu Raysulwasaaraha ahaa

Bale waxaa muuqata in uu jiray hadal ay isku ogaayeen Meles Zenawi iyo Farmaajo ama ay ku wada hadleen kulankaas.

Sikastaba ha ahaatee,Gen Gabre oo ah wakiilka Ethiopia ee urur goboleedka IGAD ayaa waxaa Muqdisho ugu dambaysay maalmo kadib caleemasaarkii madaxweyne Farmaajo xiligaas oo uu ka qeyb galay kulan wakiilada Beesha caalamka ay la qaateen madaxweyne Farmaajo,waxaa loo badinayaa in magaalada Muqdisho uu cadho uga maqanyahay.