Falanqeynta siyaasada Turkiga ee Dawladnimada somaliya.WQ.Maxamed Caalim

Shacabka turkiga iyo shacabka soomaaliyeed Taariikh dheer ayaa ka dhaxaysa sanadahii laga soo bilaabo 2010 ilaa hada 2017 xiriirka turkiga iyo soomaaliya wuxuu gaarayaa meel wanaagsen labada wadan madaxdooda ayaa booqasho joogta ah ku taga labada wadan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga wuxuu caawa la kulmay dhigiisa waddanka Turkiga Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xarunta madaxtooyada dalkaasi ee caasimada Ankara ku qaabilay Madaxweyne farmaajo,waxayna ka wada hadlaya xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Waddamada ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Wadanka Turkiga ayaa saxiib ama walaal yar ka dhigtay shacabka soomaaliyeed ee ku nool Qaarada afrika Labada wadan ayaa waxay isaga mid yihiin Diinta Muslimka ahna ( suni.)

waxay labada Dawladood ee Turkiga iyo somalia Darislayihiin Dawladaha Giriiga iyo Itobiya oo ah Kiristan Orthodox

Xagee ka bilaabay xiriirka turkiga iyo soomaliya?

Booqashadii Taariikhiga ahayd Bishii August 19-keedi sanadkii 2011 ayaa Racep Tayyib Erdogan oo xilligaasi oo uu ahaa Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga waxa uu booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho isaga iyo Wafdiga balaaran oo ka socday Dowlada Turkiga iyo ganacsato u dhalatay Dalkaasi.

taasi oo bedeshay fikirkii ay Madaxda Caalamka ka qabeen Soomaaliya ee ahaa in aan la imaan Karin Soomaaliya.

Racep Tayyib Erdogan ayaa markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxa uu booqday dad barakacayaal ah oo ku noolaa Magaalada Muqdisho taasi oo Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxeen. Walina kagu la Qabiyada soomaalida wanaagsen ee soomaaliya jecel.

Dowladda Turkigu ayaa bilowday sanadkii 2011 gargaar bani’aadamnimo oo ay siinaayeen dad barakacayaal ah oo ku noolaa xerooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho kuwaasi oo saameyn ay ku yeelatay abaartii ka dhacday Dalka

Arinkaa wuxuu keenay in Dawlada Turkigu dareemayso colaada itoobiya u hayso soomaaliya Dawlada Turkiga ayaa waxay doonaysaaa inay soomaaliya dib uga dhisto dawlad iska celinkarta Dawladaha diidan inay soomaaliya dawlad ka dhalato.

siyaasada turkey ee somaliya waa caawin iyo helida dowlad somaliyeed oo xor ah
iyo is garabtaaga shacabka somaliyeed
Dawlada Turkiga ayaa xoog saartey inay soo celiso Quxda caasimada soomaaliya Taas oo ah wajiga laga cabiri karo xaalada soomaaliya

Waxax caasimada muqdisho ka hirgalisay
waxbarashada qaybaheeda kala duwan
caafimaadka dhisme cibitaalo waa weyn dhismaha xarumaha dowlada dhismaha safaarada ugu weyn Qaarada afrika ee Dawlada Turkigu leeyahay. dhismaha jidadka garoomada diyaaradaha Dakada oo la casriyeeyey. Dhismaha xarun lagu taba baro ciidanka soomaaliya.

Hawshaa dawlada Turkigu qabatey waxay keen tahay in Rajada dawladnimo ee soomaaliya soo noolaato.

Waxaan falanqeyntayda ku soo gabagabeynayaa in Siyaasada Dowlada Turkiga ee ku wajahan Soomaaliya ay tahay aan ku tilmaami karo wax wanaagsen oo horumar ku salaysan. Waxaan kaloo aamin sanahay in Madaxweyne Maxamed cabdulaahi Farmaajo uu wax badan ka badali xiriirka soomaaliya iyo Turkiga sida dhisida ciidanka soomaaliya oo xoogleh arinkaa oo aan aamin sanahay in madaxweyne Farmaajo wax weyn ka Qaban doono intuu hayo xilka Madaxwryne ee Dawlafa Faderaalka soomaaliya.

Qore:-maxamed caalim