Video:-Ciidamada amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay qaraxyo waa weyn iyo ragii fulin lahaa

Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari ayaa magaaladda Bosaso ku soo Bandhigay 5 nin oo La sheegay iney wateen waxyaabaha Qarxa islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Madaxtooyada

Nimankan ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa, Gaari ay wateen iyo 5 Nin,

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobalka Bari Gaashaanle Dhexe C/Xakiin yuusf xusen ayaa fahfahiyay qaraxyadaas ladamaqsanaa in bosaaso laga fuliyo, Isagoona sheegay iney oga mahadnaqayaan ciidamadii Howgalkaasi fuliyay

Taliyaha qeybta boliska ayaa ka gaabsaday in uu ka waramo halka qaraxyadaas laga fulin lahaaa, waxaana uu shegay in lamaha Amaanka ay wadaan warbixino kadibna ay gadaal ka soo sheegi doonaaan, Doonan meelaha laga fulin lahaa Weeraradan Qaraxyada ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka