Maareeyayaashii Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade oo muran xoog leh ka taagan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle). ninkan ayaa mar la sheegay in loo magacabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
 
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay in Yuusuf Jaalle si rasmi ah loogu magacaabay xilka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada, iyadoo xilka laga qaaday Mr C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan hayay.
 
Yuusuf Jaalle ayaa horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabellada Dhexe, waxaana uu ka soo jeedaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolkaas.
 
Yuusuf Jaalle ayaa horay madax uga ahaa Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.
 
Maareeye Yuusuf jaalle ayaa Magacaabistiisa waxay keentay jah wareer,iyadoo Madaarka Aadan-cade uu leeyahay 3 Mareeye oo kala ah:-
 
1. Hawada – Abgaal
2. Maamulka – Murursade
3 Aminga – Mareexan
 
 
Soo magacaabista Maareeye Yuusuf jaalle waxaa iska fogeeyay oo yiri annaga maahan kursigayaga ee waa kan Daaroodka maareeyayaashii kale.
Maareeyaha amniga garoonka ayaa ah nin udhashay beesha Mareexaan laguna magacaabo Cabdi Ashkir.ayaa dhankiisa iska fogeeyay arintan,isla markaana sheegay in Maareeyaha cusub aan booskiisa loosoo cayimin.
 
Warar hoose oo ay idilnews helayso,ayaa sheegaya in maareeyaha la magacaabay Yuusuf jaalle uu danaynayo booska saadaasha hawada ee masuulka u dhashay Beesha Abgaal uu haysto.