Video:-Camey”Puntland Doorasho kama dhici karto macquul mahan in aan doorashada soosocota qabano”

Wariyaha caanka ah Cabdisalaan Hareri oo maalmahan ku sugnaa caasimada Puntland ee Garowe,ayaa barnaamij uu ka sameeyay socdaalkiisa waxuu waraysi kula yeeshay madaxweyne xigeenka Puntland Eng camey.

Madaxweyne xigeenka ayaa waraysigaa uag hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin abaartii ba’anayd ee lasoo maray,dagaalka puntland ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee alshabaab iyo daacish.

Waxaa xusid mudan Hareri oo garowe si qurux badan oo niyad wanaaga loogu soo dhaweeyay ayaa sooryada gobeed ee loo sameeyay waxuu abaal marin uga dhigay garowe in uu u quuri waayo caasimadnimadeeda,waxuuna waraysigiisa ku bilaabay in ay tahay caasimada Gobolka Nugaal,isagoo hoos u dhigay caasimadnimadeeda guud ahaan Puntland ama in ay tahay mid ka mid ah caasimadaha Geeska africa ee quruxda iyo amaanka caanka ku ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka