Video:-Madaxweyne Farmaajo oo wali ku guda jira booqashadisii jabuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan Wadanka Jabuuti oo uu booqasho rasmi ah ku joogyo ayaa maanta ka qeyb galay Dhagax dhiga dekad cusub oo ay yeelaneyso Dowladda Jabuuti.

 Madaxweyanaha ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Madax sare ee Wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti , kulamadaas oo looga hadlayey iskaashiga labada Wadan iyo adkeynta Xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa markii ay xafladda furitaanka Dekadda cusub ee Jabuuti dhamaato in asaga iyo wafdiga uu hogaaminaayo ay dalka dib ugu soo laabtaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka