Manchester United oo ku guulaysatay koobka “Europa League”

Kooxda Manchester United ayaa ku guulaysatay koobkii labaad ee xilli ciyaareedkan, waxa ayna xaqiijisay in xilli ciyaareedka dambe ay ka qeyb qaadan doonto tartanka la qadariyo ee Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, kaddib markii ay 2-0 uga adkaatay kooxda Ajax oo ay ku wada dheelayeen fiinaalka koobka Europa League-ga oo lagu qabtay magaalada Stockholm.

Habeen ay xamaasadda kacsan tahay ayey aheyd kaddib weerrarkii lagu dilay 22-ka qof ee Isniintii ka dhacay magaalada Manchester, iyadoo taageerayaasha United loo ogolaaday inay dabaaldegaan maadaama kooxda uu layliyo Jose Mourinho ay si ay u qalanto ugu guulaysatay koobka.

Kubad uu laaday Paul Pogba oo ku dhacday ciyaaryahan kale ayaa kooxda Manchester United u sahashay inay hogaanka ciyaarta ku qabato daqiiqaddii 18-aad, halka Henrikh Mkhitaryan uu ciyaarta ku soo khatimay goolkiisii lixaad ee uu ka dhaliyay tartanka.

Ajax oo inta badan ku gacansaraysay haynta kubadda ayaanay u suuragelin inay xitaa khalkhal galiso goolhayaha Manchester United.

Wayne Rooney oo daqiiqadihii ugu dambeeyay badel ku soo galay ciyaarta ayaa waxaa calaamadda kabtanka ku wareejiyay Antonio Valencia.

Rooney ayaa u muuqday inuu dheelay ciyaartiisii ugu dambeysay ee kooxda Manchester United.

Manchester United ayaa horay xilli ciyaareedkan ugu guulaysatay koobka EFL oo ay ka qaadeen kooxda Southampton, midkanna waxa uu u noqonayaa koobkii labaad ee weyn ee ay xilli ciyaareedkan ku guulaysato.