Madaxweyne Gaas waxuu ka dagay Cadaado ,iyadoon looba fadhiyin!!!

Sidaanoo kale Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf rabi ha unaxariistee oo markaas ka mid ahaa madaxdii SSDF,ayaa diyaarad ka raacay Galkacyo isaga iyo wafti door ah.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxuu toos uga dagay Xamar waxuuna marti u noqday Jeneral Caydiid.

Xiligaa waxaa taagnaa dagaal sokeeye ,Galkacyo waxaa kasii muuqday diiftii iyo burburki ay ugaysteen maleeshiyadii uu hogaaminyay Jeneral Caydiid ee USC.

Waxaa sii muuqday 630 qof oo haldoorkii reer Puntland u badnaa oo ay xasuuqeen maleeshiyadii USC hal habeen oo ay Galkacyo gacantooda gashay.

Waxaa labada ciidan ee SSDF iyo USC markaas dagaalkoodu ka socdaa Wargalo iyo Wisil,

Galkacyo waa furin ciidan ku xaraysan yahay.

Xaaladahaas oo taagan ayaa madaxweyne Yuusuf go’aansaday in uu xamar ka dago Caydiid la heshiiyo Galkacyo dib loo wada dago ,isla markaana dawlad qaran oo somaliyed ay dib u wada dhistaan.

Maalinkaas shacab iyo siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waa ka hor yimaadeen waana mucaaradeen canbaarayn ayayna dusha uga tuureen,balse waxaa dhamaan loo wada mahadnaqay oo haldoornimo loo qiray subaxii uu keenay waxay dadku ku qanceen,muda yar daabeedna guushii uu keenay mirahaeedii la gurtay.

Hadaba maanta madaxweyne Gaas waxaa horyaala taariikhdaas oo kale.

Cadaado ayuu ka dagay iyadoo dastuurka fadaraalka aan buuxin.

Cadaado ayuu ka dagay iyadoo dhul Puntland sheeganaysa.

Cadaado ayuu ka dagay iyadoon nabad iyo wada xaajood rasmiya aan lawada gaarin.

Isku soo wada duuboo Gaas waxaa looga fadhiyaa waxa uu ku badashay intaasoo arimood iyo guusha uu lasoo laaban doono ee uu ka gadi doono shacabka Puntland.

Jibril Qoobey.