Video:-Sh.Cali Raage iyo barnaamijka falsafada manhajka qaraxyada

Marka danaysiga iyo diintu ay is meher xadaan, waxaa aad u gadma been fara badan oo dadka qaar aduun iyo aakhiraba seejiya, qaarna aduunkooda camira, aakhirana yeel kood Waxaa ka mid ah:-


1-muslinku waa kan muslimiinta afkiisa iyo adinkiisa ka nabad geliyay
WAXAA ka haboon muslinku waa kan ilma Aadan oo dhan amaan geliya
2 – waxaa la ii soo diray gawrac
WAXAA sax ah in Nabiga scw loo soo diray Naxariis
3-irsiqayga waxaa la geliyay waranka caaradiisa (boob)
WAXAA sax ah irsiqayga waxaa la galiyay shaqo iyo tacab xalaal ah
4- muslin gaal looma dilo,
WAXAA gar ah qofkii qof dila in loo dilo ,diintuu rabo ha haystee
5- Qofkii diintiisa badala dila من بدل دينه فاقتلوه
WAXAA sax ah qofkii diinta ka baxa asagay u taal
من كفر فعليه كفره
6-Qofkii xumaan arka af iyo adin wax ha uga qabto
WAXAA saxsan markaad qalad aragto police ka u sheeg
7- Aan ku dayanno dadkii dhintay Ee barakaysnaa
WAXAA saxsan annagu aan tashanno وأمرهم شوري بينهم
8 – ilaahay dartii u jeclow ilaahay dartii u nac dadka
WAXAA ka saxsan kii wax ku Tara jeclow kii ku lugooya Nac oo ka Fogoow
9 – Qofkii gaalada ku dayda waa gaal
WAXAA ka haboon qofkii qof kale wax xun uga dayda diintuu doono ha haystee waa xumaan raac , muslin iyo gaal hadba kii xumaan wada ku dayashadiisa ka Fogow
10- Diinta halaysku xukumo
WAXAA ka Toosan Dastuurka dalka lagu dhaqayo waa inuu tixgaliyaa Arimaha Diinta Si qofwalba diintiisa xor ugu noqdo
DHIIGA QULQULAYA WAA INTAAS OO LA GARAN WAAYAY.
1-qof dilaya dadkii oo leh muslin maaha
2- mid tooreey wata oo leh nabigaa ii soo dhiibay
3-mid boob ku nool oo Qaniimo baxshay oo mashaqaystaa,oo leh ilaahay baan isoo diray
4-mid wax dilaya oo aan qisaas ka baqay ilayn gaalbuu soo dilaye (say la tahay)
5- 100/93 waxaa soomaalidu u dhimatay Murtadka Dila
6-waxaa isku dhaca keena munkar baan suulinayaa,
7-aan ku dayanno ninkii masaajidka ku gawracay wadaad ay isku khilaafeen sifaafka Alle,
8-aan dilno waayo Alle dartiis baan kuwaas u necbahay ,
Axad nacayb ku amray, Alle maaha ee iska hubi Alle waa jacayl hufan
9-dila kaas gaal buu ku dayday, ogow qori ga lugu dilayo gaalbaa sameeyay,xataa magac gaal buu wataa kalashinkof.
10- kuwaas hala dilo waayo waxay diideen xukunkii Alle ,
Nabaddu waxay bilaabanaysaa marka la qaato baaqyada Maanfurka.

NAXARIISO OO HA CADIBIN DADKAAGA
NAFTAADA MAS’ UUL KA NOQO
QURAANKA DIIN KA DHIGO DASTUURKA NA TIX GELI
KU DAYO QOFKA FIICAN ADOON DIINTIISA EEGIN
SHAQAYSO OO XOOLAHA DADKA HA QANIIMAYSAN.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka