57-qof oo ku geeriyooday dab ka kacay kaymaha Portugal

Dad gaaraya konton iyo todobo qof ayaa ku dhimatay, konton kalena waa ay dhaawacmen ka dib markii uu dab ka kacay keyn ku taala magaalada Pedrógão Grande ee bartamaha dalka Burtuqiiska.

Inta badan dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay dabkani ayaa dhintay iyagoo ku dhex jiray baabuurtooda, waxaana gudaha baabuurtii ay wateen ugu galay uuro iyo holaca dabka.

Meydadka seddex qof oo kale ayaa laga helay meelo u dhaw xabaal ku taala magaaladaasi, kuwaas oo la rumesanyahay in ay u dhinteen dhaawac ka soo gaaray dabka.

Boqolaal katirsan waaxda dab damiska ee dalka Burtuqiiska ayaa la tacaalaya xaalada, kuwaa oo isku dayaya inay baqtiyaan dabka, balse dhinaca kale duqa magaalada uu dabka ka kacay oo la yirahdo Mr Valdemar Alvesqof ayaa sheegay in dad demiyaasha aysan ku filneyn wax ka qabashada baaxada dabka ka kacay keynta.

Keynta uu dabka ka kacay ayaa waxaa booqday rai”sul wasaaraha dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa inay korodho tirada dhimashada, mana cadda waxa sababay dabkani.