Dhagayso:-Rw Khayre”Waxaa nalagu wareejiyay maxaabiistii itoobiya kuwii Sishalis iyo meelo kale ku xirnaana”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay oggolaatay inay xorriyaddooda usoo celiso maxaabiis gaaraya 120 qof oo ku xidhnaa waddankaasi.
 
Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA isaga oo ku sugan dalka Itoobiya ayuu ku sheegay inay sidoo kale ay ka shaqeynayaan in dawladda Soomaaliga lagu soo wareejiyo maxaabiis kale oo ku kala xiran waddamada Siishilis iyo Muurishiyas.
 
Dhanka kale Ra’isalwasaare Khayre waxuu ka waramay shir madaxeedkii Africa ee ay uga qaybgaleen isaga iyo wafti matalayay Somaliya waxay kala kulmeen iyo guulaha ay kasoo gaartay dawlada Somaliya.

Waxan Xarunta Midowga Afrika kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Sychelles Vincent Meriton iyo Ra’iisul wasaaraha Mauritius Pravind Jugnauth.

waxaana aan ka wada hadalnay sidii Maxaabiista Soomaalida ah ee ay hayaan ay ugu soo wareejin lahaayeen gacanta dawladda Soomaaliya, waana ay naga aqbaleen.

”Waxan ku heshinay dawlada Seychelles in an wada saxiixano heshiis si ay noogu soo wareejiyaan maxabiista Somalida ah ee ku xiran wadankoda”Ayuu yiri Rw Khayre

”Waxaan sidoo kale RW Maurituis @pjugnauth isla garanay in ay nagu soo warejiyan maxabiista Soomalida ah ee ku xiran wadankiisa, waxa naga go’an maxabiista somaliyeed ee dunida ku dayacan in aan isugu soo aruurino dalkooda, dowladdan waxa iska leh shacabka oo 70% ey dhalinyaro tahay”ayuu yiri Rw Khayre.hoos ka dhagayso codka Rw Khayre.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Rw khayre