Video:-Kismaayo oo si weyn loogu diyaar garoobay soo dhaweynta Rw Khayre iyo wasiiradiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada fadaraalka.
 
Labo diyaaradood oo lagu kala qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa la diyaariyay, kuwaasoo ka kala degi doona magaalada Kismaayo gelinka hore iyo gelinka dambe.
 
Diyaarada u horeysa ayaa waxay goor dhow ka qaadi doontaa garoonka diyaaradaha Muqdisho wati uu hoggaamin doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.
 
Diyaarada labaad ayaa qaadi doonta iyaduna Ra’isalwasaaraha iyo xubno ka mid ah shaqaalahiisa.
 
Diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka socda magaalada Kismaayo, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
 
Shirka Golaha Wasiirada ee ka dhici doona magaalada Kismaayo maalinta berri ayaa noqonaya shirkii u horeeyay ee Gole Wasiiro ka dhaco meel ka baxsan Muqdisho, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ka baxday Kumeel gaarka, horay waxaa Xukuumadihii ay hoggaaminayeen Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Cadde ugu shireen Baydhabo iyo Jowhar.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka