Bandowgii lagu soo rogay Jubada Hoose oo xalay dhaqan galay

Qaar ka mid ah Tuulooyinkii shalay xaaladda Bandowga la giliyay ee gobalka Jubada Hoose ayaa lagu soo waramaya in uu ka dhaqan galay oo ay dadka xaroodeen waqti hore.
Goob joogayaal ku sugan deegaanka Lugloow oo ku dhaw Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa ka mid ah meelaha uu ka dhaqan galay.
 
Saraakiisha amaanka ee Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay kula wareegayaan Tuulooyinka iyo degmooyinka ay maamulaan Al-shabaab.
 
Degmooyinka iyo Tuulooyinka Bandowga lagu soo rogay ayaa ku dhaw Magaalada Kismaayo waana meelo Al-shabaab ka soo weerar tagaan waxaana dhowr jeer weerar looga soo qaaday Fariisamo Jubbaland ay ku leeyihiin Kismaayo.