Dhagayso:-Kala bar dhismayaashii magaalada Caluula oo Badu dul martay

Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas.
 
Guddoomiyaha Degmada Caluula, Cali-Shire Maxamuud Cismaan, ayaa sheegay in biyaha ay qaadeen ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi.
 
Guddoomiyaha ayaa sheegay in bar ka mid ah magaalada oo idil ay biyaha saameeyeen.
 
Gudoomiye Cismaan ayaa sheegay in ay ufidiyeen gurmad dadkii biyuhu saameeyeen.
 
Dawlada Puntland ayaan ilaa iyo hada ka hadlin arintan,
 
Gudoomiyaha Degmada Caluula oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in aysan Gurmad ka ahayn dawlada dhexe ee Puntland.waxuuna ku baaqay in si deg-deg ah loogu soo gurmado,hoos ak dhagayso codka Gudoomiyaha.

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Caluula