Dhagayso:-Hawlgal looga sifaynayo Alshabaab Kaymaha Xeebta kenya oo bilaamay

Miltariga dalka Kenya ayaa axaddii shalay ku amray dadka ku nool hareeraha keynta Boni ee ku teedsan xeebaha Kenya inay ka fogaadaan halkaas muddo 48 saacadood ah.

Amarkan ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay inay duqeyn xooggan ku qaadi doonaan deegaanka, si ey uga sifeeyaan maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysta, weerarana kaga qaada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Hadaba Maxey tahay keyntan Booni ee ay Al-Shabaab ku dhuumaaleystaan, su’aashaa iyo kuwo kale ayaa wariyaha laanta Aafka Somaliga ee VOA Sahra Cabdi Axmed ayaa ka waraysatay Professor. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah khabiir ka faallooda arirmaha Geeska Afrika, kuna sugan Nairobi,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka