Bosaso:-Dhismihii Dekeda Bosaso oo la bilaabayo iyo Wafti ka socda Shirkada DP World oo soo gaaray Bosaso

Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Bosaso Wafti ka socda Shirkada dhisaysa Dekeda Bosaso Ee DP World.

Wasiirka Dekedaha iyo la dagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage oo la socday Waftiga DP World,ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Bosaso Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland iyo maamulka Gobolka

Siciid Maxamed Raage ayaa saxaafada uga waramay halka uu marayo masharuucii dhismaha Dekeda Bosaso iyo qorshaha wafti DP World ay kusoo gaareen Bosaso ,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka