Muqdisho:-Dawlada Fadaraalka oo Gudi usaartay dhacdadii Bariire

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ugu horeyn ka tacsiyeysay dadkii ku geeriyooday dhacdadii Bariire ee shalay ka dhacday.
 
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa sheegay in kulan ay isug yimaadeen Golaha Amniga ee Wasiirada ay ku magacaabeen Guddi baaris dhab ah ku soo sameeya dhacdadii 25-kii bishan ka dhacday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya, iyadoo ay xubno ka yihiin Wasiiro iyo Saraakiil ciidan.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka