In ka badan 50-Xildhibaan oo Mooshin xilka qaadis ah ka diyaariyay RW Khayre iyo xukuumadiisa

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa diyaariyay mooshin xil ka qaadis ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo lagu wado in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka marka la saxiixo.
 
Waxaa socda axiixa Xildhibaanada taageersan Mooshinka,waxaa la sheegayaa in Xildhibaanada diyaariyay mooshinkan ay gaarayaan illaa 50-Xildhibaan.
 
Qoraalka Mooshinka laga diyaariyay Xukuumadda ayaa loo cuskaday qodobo culus, sida khiyaano qaran iyo ku xadgudubka dastuurka oo ay ku eedeeyeen inay gashay Xukuumadda, iyagoo soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka.
 
Kulanka Baarlamaanka Fadaraalka ayaa beri furmaya,waxaana ajandaha looga hadli doono ka mid ah go’aankii Xukuumadda Fadaraalku ka qaadatay arrinta Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF ee ay dowladda Fadaraalka Soomaaliya u gacan gelisay Dawlada Itoobiya.
Halkan ka hoose ka akhriso nuqul ka mid ah mooshinka oo aan helnay:-
GOLAHA SHACABKA EE JAMHUURIYADA FEDERAALAKA SOOMAALIYA
07/09/2017.
 
Ku: Guddoonka Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Federalka Somalia =Muqdisho=
 
Ku: Xafiiska Wasiirka Koowaad ee JFS =Muqdisho
 
=Og: Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BFS=Muqdisho
=Og: Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS =Muqdisho
=Og: Xafiiska Madaxweynaha JFS =Muqdisho
=Ujeeddo: Soo jeedin (Motion) Xil-ka-qaadis Wasiirka 1aad iyo Xukuumadiisa (Ra’iisalwasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada)
 
Annagoo kala ah Xidhibaanada magacyadooda iyo sixiixooda hoos ku tixan yihiin waxaan soo jeedineynaa motion xil-ka-qaadis Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyed kadib markuu ku dhacay falal isugu jira Khiyaano Qaran iyo ku-xad-gudub cad ee Dastuurka KMG ee JFS.
 
Sida uu qabo Dastuurka Dalka:
 
Qodobkiisa 4aad: Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa Sharciga ugu sarreeya dalka, isaga ayayna xukumaddu u hoggaansameysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aamada siyaasadeed ee qeybaha dowladda oo dhan.
 
Sidaas darteed Golalaha Sharci dejinta (Golaha shacabka) oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed waxaa ku waajib ah oo ay u dhaarteen in ay ilaaiyaan Dastuurka KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
 
Wasiirka 1aad waa mas’uulka ugu sarreya ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed, kalsooni siinta isaga iyo Xukuumadiisa iyo Kalsooni Kala noqoshada Wasiirka Koowaad iyo Xukuumadiisa waxaa qeexaya Dastuurka Federaalka ee KMG Qodobkiisa 90aad xarafka (D).
 
Qodobka 90aad Xarafkiisa (D): Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah : Wuxuu magacaabayaa Xilka Wasiirka 1aad, wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumada Federaalka hadii ay weydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka , oo ah cod hal dheeri ah (50% + 1).
 
Haddaba Madaxa Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya waxuu sameeyay khayaano qaran ka dib markii uu Muwaadin Soomaliyeed u gudbiyay dowlad kale;
 
1). Dhacdadii xanuunka badneyd ee bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin ka dhiidhiyeen ee ahayd u Gudbin Muwaadin Soomaaliyeed oo loo gudbiyay ama loo wareejiyay waddan kale aakhirkii bisha August 2017, waa Khayaano qaran oo laga galay umadda soomaaliyeed kana soo horjeeda dhaartii uu u dhaartay dalka, dadka iyo Diinta, mar haddii uu Wasiirka Koowaad, Dadkii uu u dhaartay u Gacan geliyay dowlad kale waa ficil Muujinaya in uu galay Khiyaamo Qaran
 
Wasiirka Koowaad Isagoo si qarsoodi ah, aanan waafaqsaneyn shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga u Gudbiyay Muwaadin Soomaaliyeed. Iyadoo aanan wax dambi ah lagu soo eedeyn taas oo ka soo horjeedda Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 34 farqadiisa 2aad iyo ku xadgudub xaquuqda Muwaadin Soomaliyeed sida ku cad qodabka 35 farqadiisa 1aad, 2aad,3aad, 4aad, 5aad, 6aad, 7aad, 8aad,9aad, 10aad,11aad, 12aad iyo 13aad oo dhammantood si cad u qeexayo xaquuqda Eedeysanaha. Qodobadaas lagu xadgudbay ee dastuuriga ah ayaa dhaliyay Soo jeedintaan (Motion) laga soo gudbiyo Wasiirka koowaad iyo Xukuumadiisa maadaama uu yahay mas’uulka ugu sarreeya ee Golaha Fulinta .
 
Waxaa iyada Marag madoonto ah haddii uu Muwaadin Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo u dagaalamay midnimada Qaran Soomaaliyeed isla markaa uu bilad Geesi ah ka heystay Jamhuuriyadda Soomaaliya ma manta ayaa abaal looga dhigaa inuu Cadow gacanta loogaliyo.
 
Shirkii Golaha Xukuumada ee dhacay 06/09/2017 Go’aan ay gaareen wuxuu ka hor imaanayaa qaar kamid aha Qodobka Dastuurka kuwaa oo kala ah :
 
A. Qod 4aad faq 1aad ee Sareynta Sharciga
 
B. Qod 8aad Faq 1aad,2aad, 3aad iyo 4aad Shacabka iyo Jinsiydaha
 
C. Qod. 10aad faq. 1aad,2aad,iyo 3aad Karaamada Aadanaha.
 
D. Qod. 12 aad Faq. 1aad iyo 2 aad Dhaqan galinta Xuquuqda Aadanaha.
 
E. Qodobka 36aad Isu celinta Eedeysanayaasha iyo Dembiileyaasha:
 
Farqaddiisa 1aad: Isu celinta eedeysaneyaasha iyo dembiileyaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo inuu jiro heshiis isu-celin oo ay dhinac ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya celinta eedeysanaha ama dembiilaha.
 
Farqaddiisa 2aad: Isu-celinta Eedeysaneyaasha iyo Dembiileyaasha waa iney waafaqsanaataa Dhaqanka iyo Qaanuunada Caalamiga ah. Waana inuu Baarlamaanka Federaalaku soo saaraa sharci lagu maamulayo isu-celinta eedeysaneyaasha.
 
Sharciyada caalamiga ah:
 
Ilaa iyo maanta ma jiraan shuruuc ama heshiisyo caalami ah oo JFS ku waajibinaya in ay celiso qof eedeysane ama dembiile u ah Dawlad shisheeye.
 
Waxaa jira Heshiis ay Dawladaha IGAD dhawaan sameyteen (IGAD Convention on Extradition) oo ku saabsan isu-celinta dadka dembiileyaasha ah, Convention kaas IGAD ay sameesay weli masaxiixin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya xubinna kama aha Jamhuuriyad Soomaaliya.
 
Hadaba anagoo ah Xubnaha Xildhibaanadda ah ee ku saxiixan Mooshinkaan waxaa Gudoonka ka codsaneynaa in Wasiirka Koowaad iyo Xukuumadiisa loo qaado Cod Kalsooni Kala noqoshada.