Weerar Dadku geeriyoodeen oo ka dhacay Bariga Gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo dabley ah weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Godad oo Bariga uga beegan Magaalada Gaalkacyo .
 
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay saddex ruux oo shacab halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7-ruux oo kale.
 
Dadka la dilay iyo kuwa wax dilay ayaa wada ah xoolo dhaqato.
 
Guddigii dhawaan loo xil saaray nabadeynta Gobolka Mudug oo ka kooban Puntland iyo maamulka Cadaado,ayaa lagu waddaa in ay dhawaan gaaraan goobta ay wax ka dhaceen.
 
Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyadda dadkii la weeraray.
 
Dilalka iyo weerarada inta badan ka dhacay dhulka Miyiga ah ayaa ah kuwo ku saleysan Aano Qabiil.
 
Xoolo dhaqata kasoo jeedka koonfurta Mudug ama Beesha Sacad ayaa ah kuwa inta badan fuliya weerarada gaadmada ah ee sababa Colaadaha lagu riiqmo ee aan harin.