Gudoomiye Taabid oo markale ka codsaday Midawga Africa in ay ciidamadoodu ka baxaan Stadium Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM General Cisman Noor Subagle.

 Mas’uuliyiinta labada dhinac  ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo kordhinta Howlgalada amniga lagu sugayo ee ka socda magaalda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleyn sidii Ciidamada AMISOM oga bixi lahaayeen goroonka Kubadda Cagta ee Mogadishu Stadium, halkaas oo mudo fariisamo u aheyd Ciidanka AMISOM.