Video:-Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa markii afaraad la doortay,

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa markii afaraad la doortay, ayadoo wajeheyso cadaadis uga imaanayo dadka ay wadaniyadda ku fogtahay.
 
Xisbigeeda muxaafidka ayaa natiijadii ugu xumayd ka helay doorashada muddo 70 sano ah, laakiin weli wuxuu haystaa aqlabiyadda baarlamaanka.
 
Xisbiga uu isbeheysiga kala dhexeeyay ee SPD ayaa sheegay in ay mucaarad ku noqonayaan dowladda cusub ka dib guuldarada taariikhiga ah.
 
Isbeheysiga ay wadaniyadda ku fogtahay ee AfD ayaa ku guuleystay kuraas badan, wuxuuna sidaas ku noqday xisbiga seddaxaad, arrintaas oo sababtay dibadbax.
 
Tobannaan qof ayaa isugu tagay xafiiska xisbiga midigta-fog ee Islaamka diidan ee Berlin, waxayna siteen boorar ay ku qornaayeen “Qaxootiga waa la soo dhoweynayaa”.
Sidoo kale, waxay dibadbaxyo ka dheceen magaalooyiinka Frankfurt iyo Colonge.
 
Ayadoo isbeheysigeedu weli yahay middka ugu sareeya, hadana waxay u tahay markii natiijadii ugu xumayd ay ka gaareen doorashada dalka Jarmalka, tan iyo 1949-kii.
 
Xisbigeeda CDU/CSU wuxuu ahaa midka ugu guusha badan tan iyo markii doorashada qaran ee Jarmalka ay bilaabatay, ka dib dagaalkii labadaad ee Dunida.
 
mar ay la hadlaysay taageerayaasheeda, Mrs Merkel oo 12 sano xilka haysay, waxay sheegtay in ay fileysay “natiijo wanaagsan”.
 
Waxay intaa ku dartay in ay wanaagsanaan lahayd in ay dhageysato “walaaca, walwalka iyo carada” cod bixiyayaasha si ay doorashada guul fiican uga gaarto.
 
Mrs Merkel ayaa sidoo kale sheegtay in dowladeedu ay wax ka qaban doonto arrimaha dhaqaalaha iyo amniga iyo waxa sababo Soo galootiga faraha badan.
 
Arrinta muhaajiriinta sharcidarada ah waa mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee uu guusha ku gaaray xisbiga diidan qaxootiga iyo Muslimiinta ee AfD.
 
“Maanta waxaan sheegi karnaa in aan haysano fasax aan masuuliyad isku saari karno, waana fulin doonnaa masuuuliyadeena anaga oo la hadlayno saaxiibadeena.” ayey tiri Merkel,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo muuqaalka sida ay u dhacdo doorashada Jaramalka