Bosaso oo ay ka socoto Hawlgalkii ugu balaarnaa Oo lagu xoojinayo Amnigeeda

Wasiirka aminga dowladgoboleedka Puntland Axmed C/alahi Yusuf ayaa maanta kormeeray saldhigga bartamaha Bosaso, Dekedda magaalada iyo garoonka diyaardaha, wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee maxaabiista ku jira xabsiga saldhigga bartamaha iyo ciidamada.
 
Wasiirka Amniga Puntland intii uu kormeerka ku guda jiray waxaa uu la kulmay saraakiisha garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaana uu ka waraystay halka shaqadu marayso iyo waxyaalaha garoonka iska bedelay tan iyo markii xarigga laga jaray.
 
Wasiirka ayaa sidoo kale booqasho ku tegey dekeda Boosaaso oo aad mashquul u ahayd wuxuuna sheegay in ciidamada saldhiga dekeda laga doonayo iney xoojiyaan amniga marsada Boosaaso oo halbawle u ah ganacsiga Puntland, waxaana uu xusay in laga doonayo iney ka warhayaan wixii dekeda soo geliya iyo ka baxaya.
 
Axmed C/alahi Yusuf oo ka hadlayey hub ka dhigis ciidamada amaanka Puntland Boosaaso ka wadaan ayaa sheegay in dadka hubka shircidarrada ah guryaha ku haysta laga doonayo iney xukumada ku wareejiyaan halka ciddii si sharci ah hubku haysta loo celinayo.
 
Wuxuu ku ku celiyey inan shacabka loo ogolaan doonin adeegsaashada hubka culus laakiin ay isticmaali karaan hubka fudud gaar ahan qoriga looyaqan ake47 iyo baastoolado sharciyeysan.
 
Hadalka wasiirka amniga Puntland waxaa uu ku soo aadaya xili ay Boosaaso ka socdaan hawlgaladii ugu cuslaa oo lagu baarayo meel walbo oo hubku jiro.