Jawaari iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray Dalka Masar

Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS Soomaaliya Maxamed Sheekh cismaan jawaari iyo wafti uu hogaaminayo oo barqadii maanta gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Maser,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahair kusoo dhoweeyey masuiliyiin ka tirsan Baarlamaanka Maser iyo madaxda safaaradda Soomaaliya.
 
Waftiga uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka waxaa kusoo dhoweeyay garoonak Diyaaradaha ee Qaahiram masuuliyiin uu ugu horeeyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Barlamaanka Masar Maxamuud Shariif iyo xog-hayaha guud ee Baarlamaanka dalkaas,sidoo kale waxaa soo dhaweynta waftiga Jawaari qayb ka ahaa ku xigeenka safaaaradda Somalida ee Dalka Masar Ilyaas Shiikh Cumar.
 
Guddoomiyaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu kulamo la qaadan doonnaaa masu’uuliyiinta dalka Masar gaar ahaan madaxda Baarlamaanka..
 
Gudoomiye Jawaari,ayaa casuumaad rasmiya ka helay dhiggiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka masar.