Video:-Madaxweyne Gaas OO soo laabtay,soona dhaweeyay jawaari iyo Cabdixaashi kuna dhawaaqay in ay aqbaleen casuumadii Farmaajo

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo garowe dib ugu soo laabtay kadib ka qaybgalkisii caleema saarka Madaxweyne Waare,ayaa kusoo dhaweeyay Qariga Madaxtooyada Waftigii ay hogaaminayeen labada hogaamiye ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlayay soo dhaweyntii labada gudoomiye ayaa dhanka kale sheegay in dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah ay aqbaleen casuumaadii uga timdi Madaxweynaha fadaraalka mudane Farmaajo.

”Waxaan aqbalnay anigoo ku hadlaya afka dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka casuumadii Madaxweyne Farmaajo ee bishan 28-keeda”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhanka kale labada Gudoomiye oo ka hadlay imaanshahooda Puntland iyo soo dhaweyntii aadka usaraysay ee loo sameeyay ayaa umahadceliyay shacabka iyo xukuumada ,sidoo kale qiray horumarka dhan walba leh ee ay Puntland ku talaabsatay.

”Jawaari iyo Cabdi Xaashi oo qiray in Puntland ay gaartay horumar la taaban karo,isla markaana buuxisay shuruudihii Fadaraalka ayna ka maqsuudeen imaanshahoodii garowe”hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka