DAAWO+SAWIRRO. Uruurka Ardeyda Jaamacadda PSU Oo Soo Bandhigey Wax-qabadkii 6bilood

Uruurka Arday Jamacadda PSU ee marka magacooda la soo gabiyo loo yaqaano ”PSUSA” ayaa Magaaladda Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland ku soo bandhigey 6bilood ee la soo dhafey wixii u qabsoomey.

Kulaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Dhaliyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Guddoomiye ku xigeenka Jamacadda PSU iyo Marti sharaf kale.

Ugu horeen Ardayda Jamacadda PSU ayaa so bandhigey wixii u qabsoomey 6bilood iyo waxaa u dhimaan ay rabaan iney qabtaan.

Fardowso Muuse Faraax Guddoomiyaha Ardayda Jamacadda PSU ayaa sheegtay in Uruurka ardayda ay 6bilood ay u qabsoomen shaqooyin muhiim ah.

Agaasimaha Guud ee Dhaliyarada iyo Ciyaraha Dowladda Puntland Axmed Cabdalla ”Tigaana” ayaa u mahad celiyey Ardayda Jamacadda PSU isagoona inta raciyey in ardaydu tahay mustaqbalka Barito.

Sawirro+Daawo.