Video:-Dowlada Puntland Oo beenisay in lacag dul saara la saaray Ganacsiga Dekeda Bosaso

Shir Jaraa’id oo ay goordhaweyd BOSASO ku qabteen Wasiiro & Maamulka Gobolka Barri ee Dowladda Puntland ayaa looga hadlay xaaladda xirnaanshaha Dekedda magaalada Bosaso, waxaana si gaar ah diirada loo saarey cabashada kasoo yeeraysa qaar ka mid ah Ganacsatadda.

Wasiirka Dekedaha Dowlada Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa si adag uga digay faafinta warar uu ku tilmaamay inay been abuur yihiin, wuxuuna sheegay dhibta ka taagan dekedda inay tahay mid u gaar ah Ganacsatadda oo aanan jirin habayaraatee aanan jirin wax laga bedelay nidaamkii horre ee Dekedda.

Wuxuu beeniyay Wasiirku inaysan Dowladda iyo Shirkadda maamulaysa dekkedda aysan jirin, balse tani ay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in fidmo lagu kala dhex dhigo Dowladda iyo Shacabkeeda wuxuuna ugu baaqay Dadweynaha Puntland inay ku tusaale qaataan wixii ka dhacay magaalada Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka