Deeqdii Dhaqaale Ee Puntland Oo saakay u anba baxday Muqdisho

Waxaa goor dhawayd ka anba baxay Magaalada Bosaso wafti iskugu jira Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland iyo Culumo,kuwaasoo sida Gurmadkii dhaqaale ee loogu tabarucay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14-kii Oct ee isgoyska Soobe.
 
Waftigan ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaardaha ee magaalada Bosaso waxayna ka koobnaayeen Wasiiro iyo Culumo reer Puntland ah,kuwaasoo kala ahaa:-
 
-Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland Cabdulaahi Timacade
 
-Wasiiru Dowlaha Maaliyada Puntland Maxamuud Beeldaaje
 
-Mareeyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Caydiid
 
-Mareeye ku xigeenka Maxjarada Puntland Liibaan Axmed Shire.
-Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf
-Sheekh Fuaad Aflow
-Shiikh Yaasiin iyo Madaxa Dalada Manhaaj Shiikh Maxamed
 
Dhaqaalaha uu qaaday waftigaas ee gargaar laga ururshay shacabka iyo xukuumada Puntland ah looguna talagalay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii isgoyska Soobe 14-kii Oct ee sanadkan ayaa gaaraya Nus Malyuun lacagta Maraykanka ah.(500,000 oo dolar).
 
Puntland ayaa ah halkii ugu horeysay ee dhul Somaliyed ah ee looga gurmado dadkii masiibada Soobe ay ku dhacday, Dowlada Puntland ayaa si deg-deg ah maalmo gudahood ku gaarsiisay muqdisho Diyaarad siday dawo iyo agab kale.
 
Gurmadkan maanta anba baxay ayaa ah wajigii labaad ee ugurmashada shacabkaas kana yimid shacabka iyo xukuumada Puntland.
 
Reer Puntland ayaa caan ku ah u istaagida iyo ugurmadka walaalaha kale ee Somaliyed waxayna mar walba door muuqda ku lahaayeen ka qayb qaadashada masiibooyinka lasoo gudboonaada bulshada Somaliyed.