Trump oo Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay “wada hadal”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay “in ay timaado miiska wada hadalka” ayna ka hadasho baabi’inta hubkeeda nukliyerka.
 
Isagoo ku hadlayay cod ka duwan kuwii xanaaqa ahaa ee horey loogu yaqiinay, wuxuu sheegay in “Alle uu ka filayo” in uusan militariga Mareykanka u adeegsan maamulka Pyongyang, inkastoo Mareykanka uu militari badan geeyay gobolka.
 
Mr Trump wuxuu hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo asaga iyo dhigiisa Kuuriyada Koonfureed ay ku wada qabteen magaalada Seoul.
 
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku maraya qaaradda Aasiya, wuxuuna horey u muujiyay “Xaqaaq kulul” oo ka dhan ah maamulka Kim Jong-un.
 
Trump Wuxuu ku guda jiraa safar uu ku marayo shan dal oo Aasiya ku yaalla, ajandihiisa ugu sareeyana waa nukliyerka ay sameysaneyso Kuuriyada Waqooyi.
 
Shirka jaraa’id wuxuu Trump ka sheegay in Mr Moon uu ku celiyay baaqa ku wajahan Kuuriyada Waqooyi oo ah baabi’inta nukliyerka.
 
Mr Trump ayaa dhankiisa tilmaamay in “macno ay sameyneyso in Pyongyang ay timaado miiska ayna sameyso arrin sax ah ee u wanaagsan dadka ku nool caalamka”.
Labada hoggaamiye ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxay dalbadeen in Ruushka iyo Shiinaha ay cadaadis saaraan maamulka Kim Jong-un.
 
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Seoul uu dalbanayo qalab militari oo “balaayiin dollar” ku baxaya oo Mareykanka ka iibinayo.
 
Ma cadda in heshiiska uu horey u dhaqan galay, balse Mr Moon ayaa tilmaamay in ay isku raaceen “in ay billaabaan wadaxaajoodka wax kala iibsiga” taas oo ay filayaan in ay xoojiso awoodooda militari.