Shirkii Amniga Oo soo gabagaboobay lagana soo saaray Warmurtiyeed

Waxaa caawa si rasmi ah u soo gabagaboobay Shirkii amniga ee madaxda dowlada Fadaraalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka Somaliya.
Shirkan ayaa dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho,iyadoo qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo maalinkii shalay ahaa balse arimaha qaar oo aan laysku raacin ay dib urideen.
 
Shirkan ayaa qodobada kasoo baxay ee ay madaxdu isku raaceen waxaa ugu waa weynaa..
 
A.Dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaranka.
 
B. Wadaaga kheyraadka dalka
 
C.Dib U’eegista Dastuurka,
 
E.Hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020.