Video:-Jabuti Oo burisay heshiiskii ay kula jirtay shirkada DP World Ee Dekeda Dooraale

Dowlada Jabuti waxay ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkada Dp World ee maamulida Dekeda Dooraale ee dalkaas.
 
Dowlada Jabuti,ayaa u cuskatay ka bixideeda heshiiskii iyada iyo Dp World xadgudub ka yimid dhanka shirkada.
 
Masuul u hadlay dowlada jabuti ayaa sheegay in shirkadu diiday codsi uga yimid dowlada kaasoo ahaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska,
 
Dowlada jabuti ayaa maamulkii Dekeda Dooraale ku wareejisay shirkad wadaniya oo boqolkiiba boqol ay leedahay dowladu,sidoo kale waxay cadaysay in ay ucelin doonto shirkada Dp World waxii hantiya ee ay xaq uyeelato.
 
Hadaba markii dib loo eego heshiiska shirkada Dp World iyo dowlada Jabuti ayaa la orna karaa burburkiisa waxaa soo dadajiyay maamlgashiga ay shirkada DP World ku samayansyo Dekedaha Bosaso iyo Berbera.
 
Dowlada jabuti ayaa war saxaafadeedkeeda ku muujisay walaaca ay ka qabto maalgashiga DP World ee Dekedaaha Geeska,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.
Halkan ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee wasiirka Jabuti