Dowladda Kenya Oo baajisay xafladii C/raxmaan C/shakuur Ee Nairobi

Dawladda Kenya ayaa maanta joojisay inuu qabsoomo isu imaatin la filayey inuu ka dhaco magaalada Nairobi, kaasoo uu ka hadli lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
 
Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa lagu waday inuu kulan qado kula yeesho jaaliyaada Soomalida fagaaraha sir Cali Club Muslim ee magaalada Nairobi.
 
Arrintaas waxaa BBC-da u xqiijiyey hogaamiyaha aqlabiyadda baarlaamaanka Kenya oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee, Aadan Barre Ducaale.
 
”Waxaa kulankan joojiyay qolyaha qaabilsan amniga dalka. Wayna la hadleen dadkii qabanqaabinayay kulanka. Qofkii doonayo inuu u ololeeya xisbigaas, waa inuu ku sameeyaa gudaha Soomaaliya. Dowladda Kenya ma oggolaaneyso in waddankeeda uu nqodo kii looga duulayay Soomaaliya”, ayuu yiri Aadan Bare Ducaale.
 
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay xukuummadda Farmaajo inay ka dambeysay arintaasi, inkastoo Ducaale uu sheegay inuusan jirin dalab ka yimid dhinaca Soomaaliya.
 
”Waxaan uga tacsiyeynaaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya iyo tageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhawaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici lahaa. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragti duwan,gaar ahaan xisbiga Wadajir”, ayuu ku yiri Cabdiraxmaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.
 
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Nairobi horay loogu qaban jiray kulamo iyo olole siyaasadeed oo qaarkood uu qeyb ka ahaa Farmaajo ka hor inta aan la dooranin ” loogana soo horjeeday madaxweynihii hore Xasan Sheekh”
 
Balse Aadan Bare ayaa sheegay inuusan horay u dhicin ”kulan noocan oo kale ah oo kumanaan qof la isugu yeerayo si loo mucaraado dowladda Soomaliya”
 
Waa markii ugu horreysay oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur u safro dibedda tan iyo markii ay ciidmmada ammaanka u dhaceen gurigiisa dabayaaqadii sanadkii hore. Dhowr ka mid ah ilaadiisa ayaa lagu dilay weerrakaasi oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ahaa.
 
Waxaa lagu eedeeyay ”duminta Dowladda iyo in uu malleegay dambiyo ka dhan ah qaranimada”. Eedeyamhaasi wuu beeniayay, wuxuuna ku eedeeyay xukumadda Farmaajo cuburinta mucaaradka.
 
 
Xigasho BBC.