Wakiilka qaramada midoobey oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Puntland iyo Somaliland

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating, ayaa ugu baaqay maamullada Somaliland iyo Puntland.
 
Waxaa uu ka codsaday in ay joojiyaan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool,halkaas oo ay Ciidamada labada dhinac ku dgaallameen shalay ilaa xalay.
 
Michael Keating,ayaa sheegay in dagaalka aanu u wanaagsaneyn labada maamul waxaana uu ugu baaqay in ay wadahadl ku dhameeyaan heshiis siyaasadeedna ka gaaraan khilaafka dhinaca dhulka ah ee labada maamul u dhaxeeya.