Boqor Buurmadaw oo laga khafiifiyay xukunkii maxkamadda

Magaalada hargeysa , garsooraha maxkamadda rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan ayaa maanta ku dhawaaqay fadhi maxkamaddu yeelatay oo goob joog uu ahaa boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw in maxkamadda rafcaanku ku xukuntay boqorka saddex sano oo xadhig ah .
 
maxkamadda Rafcaanku waxay ka dhintay maanta xukunkii maxkamada gobolka hargeysa ay 26-dii April 2018 horay ugu xukuntay boqor Buurmadaw shan sano oo xadhig ah .
 
Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw oo lagu xidhay Hargeysa 21-kii April2018 waxaa xeer ilaaliyaha guud ee somaliland ku eedeeyay inuu 15 April munaasabad dhaqameed uu boqorku kaga qayb galay Puntland uu kaga hadlay khudbad wiiqaysay ayuu yidhi gooni isutaagga Somaliland iyo ciidamadeeda .
 
Qareenada difaacayay boqor Buurmadaw ayaa eedeyntaasi ka difaacay, hase-yeeshee garsooraha maxkamada rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan wuxuu sheegay in denbigaasi lagu helay boqorka laguna riday saddex sano oo xadhig ah .
 
Bartamihii bishii Maarso ee sanadkii 2012 ayaa boqor Buur Madow waxa ay sidoo kale booliska Somaliland ka qabteen gegida dayuuradaha ee magaalada Hargeysa, isaga oo xilligaasi ka yimid dalka Imaaraadka Carabta.
 
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumaddii Somaliland ee xilligaasi jirtay Cismaan Garaad Soofe oo BBC-da la hadlay ayaa boqor Buur Madow ku eedeeyay inuu dibadda ka waday falal iyo dacaayado khalkhal gelinaya nabadgelyada, kana soo horjeeda qarannimada Somaliland.
Xigasho BBC.