Itoobiya oo ku guulaysatay soo daynta Ganacsadaha caanka ah ee Al-camuudi

Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo booqasho qaadatay labo maalmood ku gaaray dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa shaaciyay in uu ku guulaystay soo daynta maalqabeenka Hooyadiis Itoobiyaanka tahay ee Al-Camuudi.
 
Abeye ayaa yiri ‘Safarkayga muhiimadiisu waxay ahayd sidii lagu sii dayn lahaa Al-camuudi,waxaan idin sheegi karaa in dhawaan lasoo dayn doono”.
 
Abeye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Xariga qof Itoobiyaan ah waxuu lamid yahay xarig kuligeen”.
 
Dhawaan ayay ahayd markii Dowlada Boqortooyada Sacuudiga Xabsiga utaxaabtay ganacsato iyo Amiiro uu ka mid ahaa Al-camuudi kuwaasoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo canshuur la baxsasho.
 
Alcamuudi waa ganacsade ay iska dhaleen Hooyo Itoobiyaan ah iyo Aabe Sacuudiya,hanti fara badana ku maalgashtay dalkaas Itoobiya.
Al-camuudi maalgashigiisa Itoobiya ayaa u badan,Beeraha,Goobaha macdanta laga qodo iyo Dhismayaal iskugu jira Hotelo iyo xarumo ganacsi,si gaar ah waxaa looga xusi karaa Hotel-ka caanka ah ee Sheraton Adis-Ababa.
 
Al-camuudi ayaa macno weyn ugu fadhiya Dalka Itoobiya,waana sababta keentay in Ra’isalwasaaraha dalkaas booqashadiisa Sacuudiga qorshaheeda ugu weyn uga dhigtay sii daynta maalqabeenkaas.
 
Ra’isalwasaare Abiye waxuu kaloo ku guulaystay in uu Dowlada Sacuudiga ka dhaadhiciyo siidaynta maxaabiis Itoobiyaan ah oo gaaraysa 1000-Maxbuus.
 
Dowlada Sacuudiga,ayaa qorshaheedu waxuu yahay in ay dalkeeda ka saarto Nus Milyan Itoobiyaan ah oo dalkeeda ku joogay sharcidaro.
 
Ilaa iyo hada Dowlada Sacuudigu waxay dib ucelisay oo gaaray Itoobiya 160.000 oo qof.