Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir Oo Gaalkacyo lagu dilay

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland lagu dilay magaalada.
 
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in laba qof oo hubaysan ay toogasho ku dileen xildhibaanka iyo nin ilaaladiisa ah kadibna ay ka baxsadeen goobta.
 
Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka huteelka Classic oo ku yaalla magaalada Gaalakacayo dhinaceeda Waqooyi.
 
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in xildhibaanka la dilay isagoo dhaawac culus qaba la geeyey cisbitaalka magaalada halkaasi oo ku naf baxay.
 
Xildhibaanka la dilay ayaa lagaciisa lagu magacaabaa Cabdixakiin Macallin Daahir.
 
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka.