Video:-Daawo Wararkii ugu danbeeyay Ee hawlgalka dib uxoraynta sool

Ciidamada geesiyaasha Puntland waxay udirirayaan si xirfadaysan,iyagoo ku haya cadowga weerar adag oo jihooyin badan .
 
Ilaa iyo hada xogaha ugu danbeeyay ee ka imaanaya aaga hore waxay sheegayaan in Ciidamada difaaca Puntland ay gubeen tiro Gaadiidka dagaalka ah,isla markaana ay gacanta ku dhigeen Maxaabisi maleeshiyada Jeegaanta ah.
 
Sidoo kale Ciidamada Difaaca Puntland ilaa iyo hada horumar ayay ka sameeyeen goobaha dagaalka waxayna horay uga dhaqaaqeen fariismihii dagaalku ka bilowday masaafo gaaraysa 25-Km.
 
Khasaaraha soo gaaray Ciidanak difaaca Puntland ma weyna ilaa iyo hada inta la ii xaqiijiyay.
 
La soco wararka ugu danbeeya ee ka imaanaya aga hore ee dagaalka ay ku jiraan Ciidamada xaq udirirka ah ee Puntland.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka