”Waxyar baa ka haray gobanimo laafyoodkii Gabdhaha Shir-shoore”WQ.Jibril Qoobey.

8000 oo Askari oo Nuux Taani ku mushahaar qaadan jiray ,ayaa caawa laga helay 3800 oo Askari oo kaliya,kuwaasoo iyaguna ubadan dhalinayro aan xirfad Ciidan iyo waayo aragnimo dagaal midna aan lahayn iyo Odoyaal hawlgab ah.

Ceebtaas caawa ka taagan Hargaysa waxay sababtay in Nuux Taani Talyaha Ciidamada Jeegaanta lagu dharbaaxo Shirkii caawa layskugu yimid ee ka dhacay Qasriga Jeegaanta ee Hargaysa,kaasoo kusoo idlaaday foolxumo.

Jeegaanta ayaa guud ahaan waxay Ciidan heli kareen xataa kuwii ilaalada Nabadgalayada wadooyinka qaabilsanaa iskugu geeyay jiida dagaalka.

Xoguhu waxay sheegayaan in Jeegaantu Hubkii cuslaa ay kusoo urursadeen OOG si hadii looga awood roonaado goobta dagaalka oo Laascaanood ay farahooda ka baxdo aysan gacantooda uga bixin Hubkaasi.

Xogtu waxay sidoo kale intaa ku daraysaa in wax Hub culus uu caawa Talsikooda Ganbadhe ka yaalo hal Taangi iyo hal BM.

Dhanka kale kulan shalay dhacay oo Awr-kiraalayaasha Jeegaanta u adeega ee kasoo jeeda beesha dhubahante ay la qaateen waxgaradka Laascaanood kagana dalbadeen in looga baahan yahay Ciidan deg-deg ah oo gaaraya 1000-Nin ayaa faashil kusoo dhamaaday.

Waxgaradka waxay usheegeen Awr-kiraalayaasha ay la kulmeen in waxa ay wadaan ay tahay Ruwaayad lagu qoslo wax Ciidan ah oo ay Jeegaanta ku garab istaagayaana uusan jirin,isla markaana waxii Calaf iyo Ciidan ah ay hayaan ay yaqanaan meesha ay la’aadayaan.

Taasina waxay ku ahayd dharbaaxyo kale oo ku dhacday Jeegaanta iyo hadafkeeda,hadalka waxgaradka waxuu noqday mid ay ku diirsadeen shacabka caraysan ee laascaanood.

Jeegaantu waxay si dhab ah ugu diyaar garowday in ay jabayso,balse waxay isu diyaarinayaan jab qorshaysan in uu soo gaaro.

Laascaanood waxay umuuqataa mid Salaada Ciida lagu tukan doono iyadoo Gabdhihii Shir-shoore ay si gobanimo ah ugu laaf yoonayaan